X

Warqad furan oo ku socota madaxa cusub ee Puntland

Warqaddan furani kama iman shisheeye, dawlad diid, mucaarad, siyaasi iyo qof dano gaar ah leh, waxayse ka timid Nasro Cabdirisaaq Axmed, muwaadin Soomaaliyeed, reer Puntland ah, ku dhalatay, ku barbaartay, wax ku baratay, deggan oo ka shaqaysata, intii Puntland ay dhisnaydna aan meel uga bixin.


Waxaan ka mid ahay dadka aad masuulka ka tahay, waxa aan aaminsahay inaan dareenkayga iyo kan shacabkaba kula wadaagi karo. Ku hadli mayo, Af Qabiil, Qolo ama Koox gaar ah, balse waxa aan xambaarsanahay farriin ka timi bulsho kala duwan oo ku nool deegaannadan Puntland kuwaasi oo aan awoodin inay kula hadlaan.

Musuqu waxa uu galay qayb walba oo ka mida dawladda iyo bulshadaba, musuqa waxaa ku xirmay inta badan dan walba oo qofku leeyahay, dhinaca shaqooyinka, waxbarashada, canshuuraha, laamaha ammaanka, qandaraasyada, waaxyaha dawaldda iyo laamaha caddaaladdaba.


waxaan ahay canshuur bixye, waxaa la canshuuraa dhulkayga, gurigayga, gaarigayga, goobtayda ganacsi iyo mushaharkayga mana helo beddelkeeda, waxaan ahay hooyo agoon korsata, qabowga iyo qoraxda Ayaan la fariistaa caano yar, hilib yar, khudaar yar, macmacaan iyo wax walba oo aan isleeyahay waxa aad ka heli kartaa qutulyowmka ilmaha, waxaa layga qaadaa canshuur aanan awoodin, mana helo beddelkeedi oo ah inaan helo gabbaad aan ka harsado milicda qorraxda iyo qabowga, xilliyada roobka waxaa meel walba fariista biyo wasaqaysan oo sababa nadaafad xumo, bilic darro iyo xanuunno ay duumada iyo daacuunku ka mid yihiin, ma helo kabitaan oo waxaa aan bil walba bixiyaa koronto iyo biyo qaali ah, waxa aan baahi weyn u qabnaa damis oo waxaynu ognahay in dad badani u dhinteen sababo dab kacay hanti badanina ku burburtay.

Qalinkii Nasro Cabdirisaaq Axmed

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.