November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Warqad lagu muransan yahay oo ka soo baxdey xafiiska Cumar C/rashiid iyo magacyada ka talin doona maqaamka Muqdisho

Warbaahinta Internet-ka ayaa waxa aad looga hadal hayaa warqad laga xaday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke islamarkaana sumada Xafiiska ay ka muuqato.

Warqadaasi waxa aan la ogeyn sida looga soo Xaday Xafiiskaasi hase ahaatee wax warfaafin rasmi ah lama gelin waxaase ay umuuqataa mid la diyaariyey.

Waxa kamuuqda Warqada Maqaamka Muqdisho iyo Matelaada Dawalda Cusub waxaana la magacaabay Gudiga Heer Qaran Ee Maqaamka Muqdisho.

19 Xubnood ayey ka kooban yihiin gudigaan iyadoona ay ku jiraan Mas’uuliyiin hadda xilal ka haya Dawlada Federaalka Soomaaliya.

IMG_E04470-20FEB0-91E910-3FF8AD-1F7B23-C6E5B3[1]IMG_E04470-20FEB0-91E910-3FF8AD-1F7B23-C6E5B3[1]

 

HHH

Soo akhrintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS