November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wasaarada arimaha dibedda oo xafiis hawl fududeyna ka furatey Garoowe: SAWIRO

Wasaarada arimaha dibeda Somaliya ayaa xafiis hawl fududryna ka furatey Garoowe. Hawlaha xafiiskan ayaa fududeynaya waraaqo awal loo aadi jirey Muqdisho taas oo ka dhigan maamul daadejin.



Waxa xafiiskan la furey shaqaalaha cusub ee wasaarada horjooge ku xigeenka maamulka Butlaan Axmed Karaash oo siyaasada inta badan isku qilaafsan yihiin horjooge Siciid Deni oo safaro badan uga baxa gobolka.

Safarada uu inta badan baxo horjooge Siciid Deni ayaa ku soo dhamaada guuldaro iyo marka ay uGu badan tahay oo uu ka soo helo shilimaad sida ay sheegeen ilo ku dhow horjooge Siciid Deni.#



Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ka hadlay furitaankii Xafiiskan ayaa bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyay Xafiis ay leedahay Wasaaradda arrimaha dibadda oo fududeynaya waraaqo awal Safar iyo daahid lagala kulmi jiray. Lama sheegin warqadahaas waxa loo malaynayaa kuwo la xiriira baasaboorka dalka.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS