Wasaarada caafimaadka ee dawlada dhexe ayaa bixisay kiisaska u dambeeyay ee cudurka Kooro oo hadda ay sheegayso inay sii korodhey. Dadka dalka soo geliyay cudurka ayaa isugu jirta Soomaali iyo ajnabi.
“Waxaa soo kordhay 2 xaaladood oo cusub oo coronavirus ah, 1 Muwaadin iyo 1 Ajnabi ah ee ku sugan Muqdisho, Tirada guud ee la xaqiijiyey 7 ,Tirada bogsatay,1 Tirada dhimashada waa 0 ” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka.
Waxa ILAAH mahadiiya in dalkeenu ku jiro dalalka RABI ugu gargaarey yaraynta cudurkan xun ee naqas ku dhega. Wasaarada ayaa sheegtay in tirada guud ay hadda tahay 7.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS