10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasaarada caafimaadka oo ka hadashay dad cusub oo loo takoorey hargabka Shiinaha

Wasiirada caafimaadka Marwo Foosiya Abiikar Nuur oo warbixin ka bixinaysay cudurka hargabka Shiinaha ayaa sheegtay in tirada hadda loo takooray cudurka ay gaarayso 4 qof. Somali cudurka soo gelinaayay dalka ayaa laba cisho kahor la takoorey.



Waxa kadibna la raadiyay dadkii uu la socday diyaarada si iyagana loo takooro laba usbuuc.  Marwo Foosiya ayaa xaqiijisay in 3 kale iyagana laga qabtey ummada. Ma sheegin dalalka ay ka yimaadeen. Waxase la aaminsan yahay inay ka yimaadeen dalal cudurku xoog ugu faafay.



“Tirada guud ee aan ilaa hadda takoorney waa afar ayay tiri Marwo Foosiya oo sheegtay in wasaaradu dejisay nidaam lagu qabto intii karaankeeda ah Somalida iyo ajaanibta keenaysa cudurka dalka xilli loo sheegay inay ku ekaadaan dalalka ay joogaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS