November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wasaarada caafimaadka oo jawaab ka weyday isbitaal ku yaal Muqdisho

Wasiirka caafimaadka dawlada Somaliya Marwa Fowsiya Abiikar Nuur ayaa jawaab Ka weyday isbitaal Ku yaal Muqdisho oo aan la aqoon shaqaalaha ka shaqeeya inay leeyihiin xirfada ay sheeganayaan.

Waa nasiib daro in dawladu daba socoto isbitaal amarkeeda diidey halkii ay albaabada u laabi lahayd ayuu yiri Cali Calasow.



Wasaaradda Caafimaadku waxay u xil saaran tahay ilaalinta arrimaha caafimaadka Dalka ,shaqada naloo igmaday ayaan gudanaynaa, balse maaha inaan daba gal ku hayno shaqo aanaan lahayn, hay’ad kasta oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka haddii aysan haysan ruqsad ay kaga shaqayso Dalka waxaa waajib nagu ah inaan shaqada ka joojino, balse ciddii haysato ruqsad shaqo oo sharci ah kuna saabsan arrimaha caafimaadka,  nidaamka Dowladnimo ayaa u oggol inay shaqeyaan” ayay tiri Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya.



Waa markii ugu horeysay oo dawlada Somaliya ay baaq ka soo saarto amardiido Ku saabsan caafimaadka. Waxa jira boqolaal shaqsiyaad ajaaniba oo ka faaiideystay baahida jirta dhinaca caafimaadka kadib burburkii dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS