X

Wasaarada caafimaadku ma matasho siyaasada arimaha dibedda: Tarsan

Dhawaan ayay ahayd markii Uhuru Kenyata go’aansaday inuu dhibaateeyo dadka Somalida ee u socdaalaya dalkiisa xataa uu ixtiraami waayay masuuliyiinta dawlada, ayaa dawlada Somaliya soo saartey amar ay ku dalbanayso inayna ka qayb geli doonin shirarka lagu qabto Kiiniya.


Shirarkaas ayaa waxa inta badan qabta hay’adaha qaramada midoobey ee fadhigoodu yahay Kiiniya ee diiday inay yimaadaan dalka. Kadib fal-xumadii Kiiniya kula kacdey shacabka iyo masuuliyiinta dawlada.

Hadaba shir ay qabatey hay’ad ka mida qaramada midoobey oo uu ka qayb galay safiirka Somaliya u fadhiya Kiiniya Tarsan ayuu ku sheegay in Somalidii la casuumay ay qaar yimaadeen.


Wuxuu kaloo uu sheegay in Kiiniya ka soo jawaabayso war saxaafadeedkii ay Somaliya soo saartey.

”Shirkani wuxu ahaa sanad guuradii UN- Habitat oo markii u horeysay lagu qabtay Afrika, waxa furay madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya waxa laga casuumay Gudoomiyaal badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dibu dhiska, Gudoomiyaasha qaar ayaan iman iyo aniga oo ka socday saafarada, muhiimada ugu wayn ee looga hadlay waxay ahayd magaalaynta dadkii ka soo tagaya Miyiga”


”Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan jimcihii wada qaadanay wasiirka arimaha dibedda ayay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya.”

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.