X

Wasaarada duulista oo codsi u dirtey hay’adaha caalamiga ah

Dawlada Somaliya ayaa codsi u dirtey hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Somaliya sida Amisom, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa farabadan ee degan xarunta Somalida ka caagan ee Xalane. Warqad ka soo baxday wasarada duulista ayaa looga digey isticmaalka magaca garoonka Muqdisho.


Warqada ayaa u qorneyd sidan soo socota:

Waxaan u sheegaynaa dhamaan hay’adaha kala duwan ee ka gawlgala xarunta Xalane iyo kuwa kalaba in magaca garoonka Muqdisho uu yahay Aadan Cabdulle Cismaan international Airport ee aanu ahayn kaliya Muqdisho Airport.


Markaa fadlan halaga fogaado isticmaalka garoonka Muqdisho hana lagu bedelo ka sare maadaama garoonka lagu sharfay madaxweynihii ugu horeeyay ayaa lagu soo xirey qoraalka.

Somali badan ayaa is weydiinaya waxa Aadan Cabdulle ku kasbadey in la sharfo maadaama gutey waajibkiisa kaliya, waxayba qabaan in magac ka dhexeeya ummada ama geesi halgamaa ah loo bixiyo.


Ma jjrto haba yaraatee wax lagaga deydo madaxweynihii hore oo uu uga tagey Somali, xukun ayuu ka degay ku dayasho maaha kama duwana kuwii ka dambeeyay oo ka wax qabad badnaa ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.