X

Meydka gabadh yar oo laga helay duleedka Cadaado

Warka naxdinta leh ee ka imaanaya deegaanka Godinlabe oo ku dhow Cadaado ayaa sheegayaa in halkaas laga helay meydka gabadh yar oo lagu qiyaasay 10 jir. Waxa dadku aaminsan yihiin in xalay gabadha halkaas lagu diley. Dadkameydka arkey ayaa sheegaya in uu ma muyqdo jirdil aad u xoogan.


Waxay ku sheegeen gabadha magaceeda Sagal Garaad Axmed. Dadka deegaanka Godinlabe ayaa warkan naxdinleh saaka ku waaberiistay. Welli waalidka dhalay kama hadal dilkan foosha xun ee loo gaystey biri ma geydada.


Dhaqanada foosha xun ee loo gaysto biri ma geydada ayaa waxa Somaliya ka bilaabay argagixisada. Waxa welli dhefaha dadka aan ka bixin aadna loo sugayaa in abaalmariyo kuwii sida xun u diley Caasha Ilyaas.

Waxa welli la sugayaa in maamulka deegaanku war ka soo saaro dhacdadan argagaxa leh.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.