X

Wasaarada waxbarashada oo sheegtay inay baaqdeen imtixaanadii socdey iyo sababta

Wasaarada waxbarashada dawlada Somaliya ayaa sheegtay inay baaqdeen imtixaanadii socdey ee soo bilaabmey shalay. Imtixaanadan ayaa waxa u fariistey ilaa 27 Kun oo ardey ah.

“Dhamaan Kormeerayaasha iyo Ardayda Imtixaanka galaysa Waxaa la idinku war galinayaa In Imtixaanka maanta 20/05/2018 uu Baaqday/ aan la galeyn Roobaab ka da’aayo Gobolka Banaadir iyo gobolo Kale awadeed” ayaa lagu war kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.



Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya ayaa waxaa ka da’aya roobab Mahiigaan ah.

Roobabka sanadkan da’ay ayaa ah kuwa aad u farabadan kuwaas oo keenay in webiga Shabeelle ooda jiiro kuna fataho meelaha uu sii maro.



Roobabkan iyo duufanada ayaa imaanaya ayadoo dalku muddo ahaa abaar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.