X

Deg deg: duufaano dhimasho sababay deegaano ka tirsan gobolka Awdal

Duufaano dhimasho sababay deegaano ka tirsan gobolka Awdal gaar ahaan tuulooyin hoostaga Saylac iyo Lughaya. Wararka ayaa sheegaya in khasaaruhu gaarayo ilaa 14 qof.

Duufaanadan oo wata dabaylo iyo daadad xoogan ayaa jiidhey bdalagii dadku beerteen ayna sababeen dhimashada xoolo aad u farabadan.



Deegaanadan oo muddo dayacnaa ayaa waxa haysay abaaro sanadihii u dambeeyayba.
Magaalada Saylac ayaa iyadna dadkii laga daadgureeyay ayadoo dh=ooxyada u dhow labadaasi degmo ay biyo soo fataheen.



Hay’adaha caalamiga ayaa gurmad soo daahay ula cararaya deegaanadaas. Duufaanadan wata dabaylaha ayaa welli ka da’aya xeebaha gobolka Awdal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.