November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wasiir Cabaas Siraaje oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho: SAWIRO

Wasiir Cabaas Siraaje ayaa aas qaran loogu sameeyay Muqdisho. Siraaji ayaa noqonaya wasiirkii u horeeyay ee ayna dilin argagixisadu ee ku dhinta isla gacanta ciidamo ama ilaalo taabacsan dawlada.

Allaha Unaxariistee wasiirkii Holwaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, ayaa xalay fiidkii Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda isagoo wata gaarigiisa.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile), Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibbadiisa, iyo xubno kale.

Waxa dadka badankiisu dalbanayaan in sharciga Islaamka la mariyay kuwii xasuuqa gaystey ayagoo hubsan in gaariga argagixiso wadato iyo in kale.

Ehelada Marxuumka ayaa dhankooda Dowladda Federaalka waxa ay ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno raggii ka dambeeyay dilka Marxuum Cabaas.






C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS