X

Waxaan uga digeynaa Tigreega inay far dhaqaajiyaan haddii kale: Itoobiya

Afhayeenka dawlada Itoobiya ayaa mar labaad ka hadlay xaalada gobolka Tigreega oo ciidanku Isniintii ka soo baxay si fursad loo siiyo gargaarka. ”Waxaan uga digeynaa falaagada inay far dhaqaajiyaan haddii kale way arki doonaan dhirbaaxada ku dhacda ayuu yiri Ridwaan Xuseen.


Falaagada ayaa sheegtay inay dib isku habaynayso weliba ku hanjabaysa inay weerari doonto Eritariya iyo gobolka Axmaarada, ayadoo la ogyahay in Maraykanku hub u soo marinayo dhinaca Suudaan.

Maraykanka ayaa ujeedadiisu tahay in Itoobiya ay ka dhalato dawlad gaala ah oo saxa oo meel marisa danaha gaarka ah ee uu ka leeyahay geeska Afrika sida in Somaliya lagu hayo halka ay joogto ee dawladu diciif tahay.


”Cidi nagama horjoogto inaan dib ugu noqono Tigree waxay nagu qaadan wax ka yar laba usbuuc ayuu raaciyay Ridwaan Xuseen. Maraykanka oo qasaya geeska Afrika ayaa iyaguna ku hanjabay inayna eegan karin guul darada Tigreega.

Waxase la sugaa talaabooyinka cusub ee uu ka qaado arintan asagoo Itoobiya ku soo rogey cunaqabatayn dhinacyo badana. Waxa ka bixitaanka Tigree u dabaal-degay gaalada ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriiska.

Maxamed Yusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.