X

Wasiir Foosiya Abiikar oo ka hadashay arin naxdinleh oo ku dhacay bukaano

Wasiirada caafimaadka marwo Foosiya Abiikar ayaa markale sheegtay in dadka la ildaran cudurka Kooro uu sii kordhey inkastoo tirada ka bogsootey ay korodhey Iyana. Xaaladihii ugu dambeeyay ay ku sheegtay in 44 qof uu soo ritey Kooro. 40 qof ay yihiin gobolka Banaadir halka 4 qofna ay tahay deegaanada Butlaan.



Dadkaasi waxa rag ah 35 halka 9 ay yihiin haween. Waxa da’dooda ay ku sheegtay inta u dhaxaysa 20 ilaa 59 jir.

Waxayse ka warantey arin naxdinleh oo ku dhacdey bukaano tagey isbitaalada bugta ah ee gaarka loo leeyahay kuwaas oo dad ay waxba u qaban waayeen markii ay naftu ka baxaysay geeyay isbitaalada dawlada.


Waa nasiib daro dadka isbitaalka la keenay waxa ku jirey dad aan qabin cudurka Kooro iy kuwo markii la keenayba naftu ka baxdey taas oo cadaynaysa in isbitaalada gaarka ah ay soo silciyeen. ”Waxaan leehay isbitaalada gaarka loo leeyahay in qofka hore loo keeno si loo badbaadiyo ayay tiri Foosiya Abiikar


”Waxaan ugu baaqi lahaa dawlada inay xirto isbitaalada bugta ah ee gaarka loo leeyahay ayuu yiri Cali Calasow. Waxa dadka dhiigooda jaqaaya waa iyaga waxna looma qabto waayo maxayba haystaan oo wax ugu qabtaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.