X

Difaaca Suuriya oo dhulka soo dhigey gantaalo Yuhuudu soo gantey

This photo released by the Syrian official news agency SANA, shows missiles flying into the sky near international airport, in Damascus, Syria, Monday, Jan. 21, 2019. In a very unusual move, the Israeli military has issued a statement saying it is attacking Iranian military targets in Syria. It is also warning Syrian authorities not to retaliate against Israel. (SANA via AP)

Ciidanka lidka diyaaradaha ee dalkaasi Suuriya ayaa dhulka soo dhigey gantaalo ay Yuhuudu ku soo gantey duleedka caasimada Dimishiq. Waxa la kiciyay gaashaanka difaaca cirka ee dalkaasi Suuriya waxayna dhulka soo dhigeen gantaalo ay soo gantey diyaarad ay Yuhuudu leedahay oo taagneyd hawada Lubnaan ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Suuriya.


Maaha markii ugu horeysay ee diyaaradaha Yuhuudu ay ku hungoobaan weerar fuleynimo ah oo ay ka soo qaadaan hawada Lubnaan iyo mar ay ku dhuuntaan diyaaradaha shacabka sida ee dul maraya hawada Suuriya.


ā€¯Waxaan dhamaan soo ridney gantaalihii lagu soo ganay dalka, tana waxay muujinaysaa awooda dalku u leeyahay inuu ka jawaabo weerarada fuleynimo ee cadowga.


Yuhuuda ayaa awal soo weerari jirtey Suuriya waxyeelana u gaysan jirtey haddase markii Ruushku habeeyay ciidanka lidka diyaaradaha, waxay awood u waayeen inay sanka soo geliyaan hawada dalkaasi.

Hoos ka daawo sida dhulka loo so dhigey

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.