X

Wasiir ka tirsan Butlaan oo tahriibeyaasha ku yiri dal-ku-gal soo qaata

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Butlaan ayaa tahriibeyaasha ku soo qulqulaya u sheegay inay dal-ku-gal u soo qaataan maamulkiisa. Waa hadal dad badan ka yaabsiiyay una muuqda inaan laga fikirin.

Lama garan karo inuu rabay in la maqlo iyo in kale ayuu yiri Xuseen Warsame oo jooga Hargeysa. Tahriibe waa tahriibe oo maba arki karo wax xuduud ah ayuu raaciyay.


Waxa uu sheegay in Butlaan ay Sharciga horgeyn doonto cid alaala cidii dal-ku-gal la’aan soo gasho deegaanada Butlaan,isla markaana Ciidamada amniga fasax ay u qabaan inay qabtaan ruuxii si sharcidaro ah ku soo gala deeganada Maamulkaas


Ta lala sii yaabay ayaa ah inuu isticmaalay erayga “Dalkan Butlaan kaliya waxaa soo geli kara qofkii dal-ku-gal wata, xataa qof walba oo tahriib ah oo sharcidarro kusoo gasha waa ay qabaneysaa maxkamad ayaana la tiigsan doonaa ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Butlaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.