X

Wasaarada arimaha gudaha oo war ka soo saartey muddo xileedka horjooge Xaaf

Wasarada arimaha gudaha Somaliya ayaa war ka soo saartey muddo xileedka horjoogaha hadda ku eg Dhuusamareeb ee Xaaf. Waxa jirey dadaalo lagu doonaayay in la dhameeyo khilaafka madaxda Galmudug waxayse u muuqataa in horjooge Xaaf oo Nayroobi ka dhamaan waayay diidey inuu raaco sharciga.


Waraaq qoraala oo ka soo baxdey wasaarada arimaha gudaha ayaa lagu sheegay in muddo xileedka maamulka fashilka ah ee hadda jira oo aan la garanayn wax uu ku soo kordhiyay bulshada halkaas degan uu ku eg yahay 4 bisha soo socota ee Luulyo.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa ku baaqday Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanaayo bulshada ku nool degaanada Maamulka Galmudug si loo xaliyo Khilaafka Madaxda Galmudug, isla markaana la magacaabayo guddi farsamo oo daadihiya qabashada Shirkaas.


Waa muhiim in shir la qabto si loo fuliyo hanaanka maamul ee dalku leeyahay ayaa lagu yiri warqada ka soo baxdey wasaarada arimaha gudaha.

Waxa la sugaa haddii la raaci waayo nidaamka in shir bulshadaas loogu qabto Muqdisho. Xaaf ayaa ku darsaday laba sanno waxase markii hore aqbalay madaxweynaha haddana waa ka noqdey markii dambe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.