“Waxaa go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ee la ii magacaabay 5-tii bishan febraayo, la igama tashan, waxaana uu khilaafsanaa habka awood qeybsiga”ayuu yiri C/raxmaan Dheere oo wareysi siiyay idaacada BBC-da.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa xilligan leh labo Wasiir kuxigeen, taasoo ah markii u horeysay ee ay Wasaaraddan yeelato Labo Wasiir kuxigeeno, inkastoo uu horay C/raxmaan Dheere u soo noqday Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumadii Saacid.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS