Wasiir Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay halka uu ku dameeyay saamigii Itoobiya ee dekedda Berbera. Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey khilaafkii cakirnaa ee Dekadda Berbera ayaa yidhi “Hawshii Dekaddu si fiican bay u socotaa, oo Doraad baan soo maray Dekadda, oo waan la kulmay maamulka iyo shaqaalaha, qalab badan baa la keenay, qalab badana wuu soo socdaa, waxa jirtay in xilligii xagaagii inay Ganacsatadu kala kulmeen dhibaatooyin fara badan, balse imika dhibaatooyinkaas waa la xaliyey, oo hadda meel wanaagsan bay maraysa”.
Mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey saamigii Itoobiya laga siiyey Dekadda Berbera ayaa ku jawaabay “Arinkaasi wali wuu socdaa, oo wali ma dhammaanin, go’aan waa laga gaadhay in Itoobiya saamiga qayb laga siiyo, laakiin waa qabyo oo wali ma dhamaanin.
Sababta Itoobiya saamiga loo siinayaa waxa weeye, inay Itoobiya tahay suuqa ugu weyn ee Dekadeena isticmaali doona insha allaah, Itoobiyana waa wadan weyn, oo malaayiin qof baa ku nool, badna ma leh, Dekadda Jabuuti bay isticmaasha, laakiin Dekaddo kale ayey u baahan tahay, Dekaddeenuna waa ka mid, markaas waxaynu doonaynaa inay badeecada ay dhoofinayaan iyo ta ay soo dhoofsanayn inay labaduba Dekaddeena soo maraan”.
Xigasho wargeyska geeska
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay