Wasiirka maaliyada iyo dhaqaalaha ee dalkaasi Koofurta Kuuriya ayaa guri la’aani ku dhacday kadib markii sharci uu isagu dhigey ku waayay guriga uu ka deganaa caasimada Siyool.
Wasiirka ayaa keenay sharci dhigaya in dadka guryaha iska leh ay kor u qaadi karaan kiradooda keliya marka ay ka saaraan dadka ku jira ee ayna kordhin karin inta guriga lagu jiro.
Waxa isla markiiba ninkii guriga uu ku jiraa lahaa dalbadey waraaqaha dibed-dhigida si uu kiradiisa u kordhisto. Kaaga daran guryaha meesha uu degan yahay ayaa deebaajigu sii sadex laabmey markii uu sharciga soo dejiyay.
Waxay Somaklidu tidhaa god ha qodin ku dhici doontaana mooyee. Baraha bulshada ee dalkaasi ayaa hilfaha u qaaday wasiirkan lugaha is gooyay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS