Wasiirada arimaha dibedda Kiiniya ayaa ka dhooftey Muqdisho kadib markii ay ku guuldaraysatey inay hesho laba arimood oo waaweyn oo lagu eedaynayo in wasiirka koowaad London ku soo ogolaaday.
Wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la kulmay beeshiisa ayaa la ogaaday in Ingiriisku u balan qaaday in jeebka loo buuxin doono haddii uu arinta badda ka soo celiyo maxkamada, waxana loo sheegay in dastuurku siinayo awoodaas ee aanu lahayn madaxweynuhu.
”Anagaa qornay dastuur dhoodhoobkan oo og inaad awoodaa leedahay ayaa laga soo xigtey xog ka ag-dhow shirar qarsoodiya oo u socday Ingiriiska iyo Kiiniya oo dhinaca iyo Maxamed Xuseen Rooble oo keligii ah.
”Kuma ayna soo guulaysan inay qaadkii furto oo wasiirka koowaad ku dhawaaqo inuu furey ama inuu hirgeliyo in kiiskii badda maxkamada laga soo celinayo ayuu yiri nin magaciisa diidey inuu sheego oo u hadlay dawlada Kiiniya.
”Waxayse ku soo guulaysatey inay kala fogeyso wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble iyo booskiisa madaxweyne Farmaajo. Wasiirka arimaha dibedda Somaliya ayaa sheegay inay la kulmayso madaxweynaha laakiin taasi ma dhicin ilaa xilliga aan warkan qoreyno.
”Markii ay isku dirtey isna dhinac u dhaqaajin waayay ayay xitaa la noqotey casuumadii ayuu yiri Cali Calasow. Saakana cadho ayay ku dhooftey.
Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa talaabada kale ee uu ku dhaqaaqo wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble oo markiiba ay ku soo qulquleen beeshiisa sawirana la galeen ayagoo hadda kuleh ”war awal nacas ayaad ahayde hadaad fiican. ayuu qabaa Cali Calasow.
Wayse xadidan yihiin waxa uu samayn karo xilligan kalaguurka ah inkastoo Ingiriiska iyo Kiiniya labaduba shirkii London kula taliyeen inuu dhinaca qabiilka aado haddii arintu jiq ku noqoto.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay