30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiirada cusub oo la horgeeyay madaxweyne Farmaajo inta aanu dalka ka dhoofin: SAWIRO

Wasiirada cusub ee hadda la magacaabay ayaa la horgeeyay madaxweyne Farmaajo inta aanu dalka uga dhoofin Kiiniya halkaas oo ay ahayd in uu khamiista tago laakiin loo malaynayo in laga soo hormariyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweeyay magacaabista xukuumadda cusub, wuxuuna Baarlamaanka cusub ka codsaday in ay ansixiyaan si ay shaqada looga fadhiyo u guda galaan.



Wuxuu intaas ku daray inay dalka ku maamuli doonaan sida danta dadka iyo dalka ku jirto, si weyna u soo dhoweynayo wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Balse M/weyne Farmaajo ayaa hal arin kaga digay wasiirada taasoo ah in wasiirada ay qaadan tilaabo musuq-maasuq ah cidii musuq lagu helaana uu jeelka ku waari doono.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS