X

Wasiirka arimaha dibedda oo Maraykanka kula kulmey wasiiro caalamka ah: SAWIRO

Wasiirka arimaha dibedda Somaliya ayaa Maraykanka kula kulmey wasiiro ka tirsan caalamka oo uu ku Jiro wasiirka arimaha dibedda Ruushka, kan Qadar iyo Kosovo. Waxa kale oo uu la kulmey hay’ado hoos taga qaramada midoobey.


“Dawlada Ruushka waxay marwalba diyaar u tahay sii wadista xariirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Soomaaliya Iyo Soo celinta wada shaqeeyn xoogan oo markale dhexmarta Soomaaliya iyo Ruushka” Sidaa waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov


Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al-thani oo ah wasiirka Arimaha dibada ee dalka Qatar iyo Wasiir Ahmed Awed ayaa ka wada hadlay wada shaqeyn dhaw oo dhexmarta wadamada Qatar iyo Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibedda Kosovo ayaa isna tilmaamey in Somaliya abaalweyn ku leedahay Carabta wuxuuna dalbadey in Somaliya safaarad ka furato Kosovo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.