Wasiirka difaaca Itoobiya ayaa eedo u jeediyay maamulada Somalida iyo Oromada sheegayna inay ku guuldaraysteen inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay xasuuqyo dhacay.
Wasiir Siraaje ayaa sheegay in dawlad deegaanka Somalida laga rabay in ay soo qabtaan 29 eedaysane laakiin ilaa hadda ay soo qabteen oo kaliya 12 inta kalana ku maqan tahay iyaga.
Wuxuu dhinaca kale sheegay in dawlad deegaanka Oromada iyagana laga rabay inay soo xiraan 26 eedaysane oo xasuuqyo gaystey laakiin ilaa hadda ay qabteen 3 eedaysane kaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in labada dawlad deegaan ay horjoogaan cadaalada. Wuxuu dhinaca kale ka gaabsaday inuu sheego tirada ku dhimatey dilalka aan loo aabo yeelin ee ka dhacay dhulka Oromada.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay