Wasiika koowaad ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal ujeedadiisu tahay mid lagu taageerayo Kiiniya kadib markii madaxweyne Farmaajo uu wareegto ku soo saaray inaan heshiisyo caalami ah la gelin karin xilligan doorashadu socoto.
Haddaba halkee ka soo bilaabatey sheekada wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble uu heshiis kula galo Kiiniya kadibna taasi ay keento in wasiirkeeda arimaha dibedda uu maanta dalka yimaado.
Safarkii London
Dhawaan ayaa wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble uu safar ku tagay Ingiriiska, safarkaas oo Ingiriisku qaban-qaabiyay, waxana safarkaas isna tagay madaxweynaha Kiiniya. Socdaalka Maxamed Xuseen intii uu joogey Ingiriiska ayaa inta badan ahaa mid qarsoodiya.
”Waxa halkaas wasiirka koowaad loogu sameeyay balanqaadyo shaqsiya sida aan xogta ku helayno waa haddii uu arinta badda iyo ugu yaraan uu wanaajiyo cilaaqaadka Kiiniya ayuu yiri Xuseen Warsame.
Safarka ayaa inta badan ahaa mid qasaare ah oo aan haba yaraatee wax faaiido ah ugu jirin dalka maadaama lacagta la bixinayay ay ahay mid aan dalka soo gaarayn laakiin lagu cunayo London.
Qoraalka wasiirka koowaad oo u muuqday jawaab wareegtadii uu soo saaray madaxweynaha ayaa ah mid ay gebi ahaantiis ka dambeysay Kiiniya iyo Ingiriisku waayo kana tarjumeyso dawladinmada dalku rabo oo ah in hal meel wax ka soo baxaan.
”Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u muuqdaa mid hadda ku socda amarka Kiiniya oo ku socda inuu qaado wado khatumo xumo ah siad hadda u u hadlayna ay mid uu ku raaligelinayo mucaarad ku sheega beeshiisa oo mudo badan lahaa waa diciif ee ha is muujiyo ayuu raaciyay Xuseen Warsame.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynuhu waa ilaaliyaha dastuur dhodhoobka dalka hadda u yaala wareegtada uu soo saarayna waa mid guud oo dawlada oo dhan xanibaysa xilliga kala guurka. Ma garan karo wax uu ku diido haddaanu amar ka haysan Kiiniya.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay