X

Wasiirka koowaad waa xil gaarsiiye ee maaha xil ka qaade: wasiir Xundubey

Wasiirka arimaha gudaha oo uu sheegay wasiirka koowaad inuu xilkii ka qaaday ayaa u sheegay Maxamed Xuseen Rooble inuu yahay xil gaarsiiye ee aanu ahayn xil ka qaade. ”Waxaan isku ogeyn in dalka qalalaase dambe laga ilaaliyo laakiin isaga keligiis ayaa go’aansaday inuu qas bilaabo ayuu raaciyay Xundubey.


Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku socdainuu iska hor keeno hay’adaha amniga asaga oo adeegsanaya qabiil ayadoo ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay ay tahay asagoo fulinaya heshiiskii uu Kiiniya kula soo galay London ee Ingiriisku garwadeenka ka ahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu isku dayi doono inuu bedelo wasiirada kale ee u daacada ah madaxweynaha oo uu soo fadhiisiyo golaha wasiirada inkastoo taas ayna dhacayn.


Si kastaba ha ahaatee kooxda XALANE ee qaska wada ayaa iyaga ujeedadoodu tahay in kiiska badda laga soo celiyo maxkamada, waxana Kiinya kula jira Ingiriiska iyo Maraykanka.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.