X

Madaxweynaha oo markale saxay jar iska tuure Maxamed Xuseen Rooble

Madaxweynaha Somaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka uu ka qaaday wasiirka arimaha gudaha Xundubey asagoo ku bedelay nin aan la garanayn hantida uu haysto halka uu ka keenay.


Sidiisaba wasiirka koowaad xaq uma laha inuu isagu bedelo wasiir ee keliya wuxuu leeyahay soo jeedin sida ku cad dastuurka. Marka uu soo jeedinta keeno waxa ogolaansho siinaya madaxweynaha ayuu qabaa Cali Calasow.


”Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.
Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.