Wasiirka maaliyada Dr C/raxmaan Beyle ayaa dekedda Muqdisho booqdey xilli la eryay masuuliyiin ka shaqayn jirey oo lagu eedeeyay wax isdaba marin.
Lacagtan ragaan la eryay jeebka gashadeen ayaa la siin lahaa hooyooyinka ag fadhiya madaxtooyada ama ku jira xeryaha magaalada.
“Maanta waxaan kormeer ku tagay Dakadda Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha Dalka kuwa ugu muhiimsan, si aan u hubiyo qaabka ay shaqadu usocoto. Waxaan dul istaagay goobaha ay sida gaarka ah uga socotay shaqada iyo u adeegida shacabka wax kala soo dagaya Dakadda Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiir Dr C/raxmaan Beyle.
Wasiir Beyle ayaa sidoo kale tilmaamay in uu la kulmay qaar ka mid ah Shacabka wax kasoo degsanaayay Dekeddda Muqdisho, waxaana uu ka wareystay hadii ay jiraan Cabashooyin ay qabaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay