Wasiirka qorsheynta ayaa ku sugan Kuwayt halkaas oo uu soo dhameeyay mashaariic laga fulin doono dalka. Dawlada Kuwayt ayaa ku deeqday lacago lagu maalgeliyo.
Wasiirka ayaa ugu horeyn waxuu warbaxin ka siiyay wasiirka arrimaha dibedda Horumarka dowladda Soomaaliya ay sameysay iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwayt.
Mudane Jamaal Maxmaed Xasan ayaa dawladda Kuwayt ujeediyay in mashaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan taas oo shaqo abuur u noqanayso dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir Jamaal, ayaa shirkaasi maalinta barri ah ka jeedi doona Khudbad uu kaga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo doorka Soomaaliya kaga aadan waxybaaha sanadkaan la qaban doono.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS



Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay