24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Somaliya oo geeriyooday

Allaha u naxariistee, waxaa shalay ku Geeryooday Isbitaal

ku yaalla Koonfurta Minneapolis, Minnesota – Wasiirkii hore ee Gaanshaandhiga Somalia, Xuseen Sheekh C/raxmaan (Mataan).

Marxuumka, ayaa ku dhashay Magaalada Awaare, Sannadkii 1941, Wuxuuna isagoo yar u soo wareegay Muqdisho. Waxbarashadiisii Dugsiga Dhexe/Sare, wuxuu ku dhammeystay Muqdisho sannadkii 1964-kii.

Taariikhdii Waxbarasho ee Marxuumka;

• 1965-kii, ayuu waxbarasho u aaday Dalka Ciraaq, Wuxuuna ku biiray Baqdad University College of Law, halkaasoo uu kasoo Qalin-jabiyay 1969-kii.

• 1970 – 1974-kii, Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir.

• 1974 – 1975-kii, Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobalka Mudug.

• 1976 – 1977-kii, Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobalka Sanaag.

• 1978 – 1988-kii, Wuxuu ahaa Xeer-ilaaliyaha Guud (Attorney General) ee Somalia.

• 1989 – 1990-kii, Wuxuu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, isagoo ahaa Wasiirkii ugu horreeyey ee Shacab ah oo xilka Wasaraddda Gaashaandhigga Soomaaliya loo dhiibo, iyadoo 21-kii Oktoobar 1969, loo xil saaray inuu Dhex-dhexaadiyo Dowladda iyo ururradii Mucaaradka ahaa, sidaan kasooo xigannay Qoyskiisa.

• 1991-kii Illaa burburkii Dowladdii hore, Wuxuu ahaa Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Somalia. Burburkii kaddibna, wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka, Gaar ahaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS