31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiirkii labaad oo iskala waynaada jagada loo magacaabay isna casilay waa kuma

Wasiirkii labaad oo iskala waynaada jagada loo magacaabay sheegayna in uu casilay. Maaha markii ugu horeysay ee wasiir la magacaabo uu isla casilo jagada iskalana waynaado xilli dadku abaar taagan yihiin.



Tirada uu magacaabay raiisal wasaare Xasan Kheyre ayaa aad looga qayliyay xillio abaar xuni ka jirtoi dalka dadkuna u baahan yihiin lacagta wasiiradan loo magacaaban meelaha banana buuxi.

Wasiiru dowlaha Iscasilay ayaa lagu magacaabaa C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi waxaana shalay loo magacaabay Wasiiru Dowlaaha Wasaarada Cadaalada ee Xukuumada Soomaaliya.



Waa Masuulkii labaad oo mudo ka yar 24 saac isaga taga shaqadii loo magacaabay waxaana ka horeyay Wasiiru dowlaha Waxbarashada C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska wasiirada uu ku dhawaaqay shalay R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo isana iscasilay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS