X

Wasiirkii warfaafinta oo ka hadley sababta uu isku casilay

Wasiirkii warfaafinta ee dawlada Somaliya ayaa ka hadley sababta uu isku casiley. Daahir Maxamuud Geelle oo qunyar socoda ayaa xilka loo magacaabay markii wasiirkii hore ee warfaafinta laga dhigey gudoomiyaha gobolka Banaadir. Wasiirka Daahir ayaa lagu xasuustaa sida diciifnimada ee uu uga hadlo weerarada ay argagixisadu ka gaysato  Muqdisho.


Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago.

Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho maamaul goboleedyada dalka.
Go’aanka uu qaatay ayuu sheegay inuu yahay mid aan deg deg ahayn, balse uu muddo ku taamayey.


Si kastaba ha ahaatee booskan ayaa u baahan qof karti leh oo la dagaalami kara fikradaha argagixisada. Wasiirkan ayaa lagu tuhmaayay in aragti ahaan isku dhawyihiin argagixisada iyo Sh Shariif.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.