X

Wax cusub maaha in rasuulkeena SCW loo gafo laakiin tan Faransiiska maxay uga duwan tahay

Waxa maanta dunida Muslimka la xusayaa dhalashada xabiibkeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee oo taariikhyahanada badankooda isku raaceen inay bishan Rabiical Awal tahay haba ku kala duwanaadaan maalintee. Waxaanan leenahay ummada Muslimiinta ah ee ku badhaadhay diintii uu ina soo gaadhsiiyay aan ku dhaqano si aan u badbaadno.


Haddaba waxaan ognahay in madaxweynaha Faransiiska u gafay diinteena kuna daray taageero uu u muujiyay aflagaadada loo gaystey xabiibkeena SCW. Maaha markii ugu horeysay ee rasuulkeena loo gafo, waxaadse is weydiin kartaa tani maxay kaga duwan tahay.

Madaxweynaha Faransiiska jaahil Makroon maaha shaqsi jago yar ku fadhiya wuxuuse madaxweyne u yahay dad iskugu jira Muslimiin iyo gaalo oo ku nool dalkiisa, aflagaadada uu gaystey waxay furaysaa in caadi laga dhigto ama kuwa isaga la midka ah ay raacaan wadadiisa, waana ta keentay in la jaahil tiro.


”Wuxuu albaabka u furayaa Islaam nacaybka isaga ku jirta in la caadaysto taasina keento isku dhac ugu yaraan dadka ku nool Faransiiska.

Waxaana hubaala inaanu mardambe ku celin doonin hadalo gafa oo uu ugu soo gabado waxay ugu yeedhaan xoriyada hadalka oo ayna ku caayi karin Yuhuuda ama ku dafiri karin in Yuhuuda Hiltler xasuuqay sidey taariikhda ku qorteen reer galbeedku caruurteenana u dhigeen.


Wadamada Muslimiinta badankooda ayaa si adag uga hadlay aan ka ahayn wahaabiyada Sucuudiga iyo inta hoos joogta sida Imaaraadka, iyo argagixisada ay taageeraan iyo wadaadada Somalida u ku jirto ee ay biilaan haystana caqiidadooda.

Somaliya ayaa noqotey dawladii u dambeysay ee ka hadashay aflagaadada uu gaystey madaxweynaha Faransiiska jaahil Makroon.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.