X

Waan aragnaa in sheekada federaal fashilantey ee maxaa ina dul dhigey

Somaliya waa dal gumeysi ku jira inkastoo aan leenahay madax. Madaxda dalka aan u dooranaa tayada ay leeyihiin ayaa aad u liidata waana waxa Somali halkaa dhigey. Waxa dhamaaday sheekadii kaabo qabiilka siiba magaalada Muqdisho oo lagu kor dagaalamay xoolihii qaranka.


Waxaan ogeyn in dalku marnaba diyaar u ahayn in nidaam goboleysi qaato, waxase hoosta uga soo geliyay cadowga dalka oo lacago ku bixiyay in la dejiyo nidaam noocaas oo aan ka turjumayn danaha qaranka.

Markii kaabo qabiiladii Muqdisho burburiyay ay hadhaagii ku dul dagaaalmeen, waxa lagama maarmaan noqotey in goboladii kale ee dalku ay is weydiiyaan maxaa talo ah, waxana ooda goostey Hargeysa iyo Burco oo lagu heshiisiiyay Boorama ayuu yiri Xuseen Warsame.

Waxa ku xigey Majeerteen oo iyaguna is weydiiyay maxaa inaga reebay mar haddii Xamar waxba oolin oo la sheeganayo ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Markaa waxaad is odhan kartaa goboladaa tashadey eed male laakiin yaa eeda leh. Eeda waxa leh kuwa Hawiyaha jooga Xamar oo irbad iyo dun is gelin waayay, ayadoo meesha ay ka maqan tahay awoodii muhiimka ahayd ee ciidan qaran.= ayuu qabaa Cali Calasow.

Arintaa waxa loo faaiideysay in dadkii isugu tagey Jabuuti, Kiiniya iyo Itoobiya ay dalka keenaan danahooda, waxana ugu dambeysay in danahaas shisheeye ee gaalka madow iyo kan cad ay fuliyaan Shariif sh Axmed oo dastuurkii qaranka bedelay iyo Xasan Sheekh oo sii dhisay gobolo kale markii Kiiniya u diidey inuu Kismaayo yimaado.

Sidee looga bixi karaa


Wey fududahay waxa kow ka noqonaya inaan helno hogaan kala furfura dhamaan dabinadaa gumeysiga madow iyo gumeysi kalkaalka iyo kan cad ay dalka u dhigeen. Sida ugu dhaqsaha badan ee loo helo hogaan caqli dheer ayay ku xiran tahay in dalku helo badbaado qaranimo.

Inta ka horeysa dawladnimo inaga dheer ee waxba durbaanka yaynaan u tumin qaranimo jirin laakiin rajadu yayna inaga xumaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.