November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wax ka ogow tirada xubnaha aqalka sare ee barlamaanka ay ka helayaan maamul jufeedyadu

Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland, Waxaase faahfaahin dheeraad ah ka soo baxday qaabka beelaha waaweyn u kala heleen xubnaha aqalka sare ka mid noqonaya.

Xubnaha Madasha qaarkood ayaa xogtan bixiyay iyadoo la qoray xubnaha beel kasta kasoo gaaraya Aqalka sare marka lagu saleeyo heshiiska ay dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka gaareen.

Maamulada Tirada xubnaha

Somaliland 11

Puntland 11

Galmudug 8

Shabeele/Hiiraan 8

Banaadir 0

K/Galbeed 8

Jubbaland 8

Wadarta 54

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS