X

Wax kama dhawa inta Itoobiya dhoofin doonto saliida gobolka Somalida

Wax kama dhawa inta Itoobiya dhoofin doonto saliida gobolka Somalida. Waxa sidaas sheegay wasiirka macdanta dalkaasi oo la hadley saxaafadda. Saliida laga helay gobolka Somalida ayaanay jirin sidii loo qaybsan lahaa kheyraadkaas dhulka Somalida. Dastuurka Itoobiya kuma jirto sida loo qaybsanayo.


”Waxay keeni doontaa dhibaato weyn haddii gobolka Somalidu helin qaybta ugu badan loona adeegsan in lagu horumariyo gobolkla oo aad u dib dhacsan ayu yiri siyaasi ka tirsan dawlada Somali galbeed.


” Waxa
jira hawlo balaaran oo u baahan inaan qabano intaanan bilaabin dhoofinta shidaalka laga helay Kaaluub ee dihan ayuu yiri wasiirku.

Waxaan u baahanahay in aan qodno ceelal kale kadibna diyaarino sidii loo fududeyn lahaa isku socodka goobaha laga helay shidaalka, kadibna waa inaan bilownaa qorshaha kale ee dhoofinta, markaa ugu yaraan waxaan u baahanahay sadex sano oo kale ayuu raaciyay.


Geeska Afrika ayaa ku socda barwaaqo haddii la wada qodo ceelasha dihan ee ku yaala. Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay inay jiraan ceelal kale oo laga qodayo Itoobiyada kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.