X

Khalkhalka siyaasadeed ee ka jira Ingiriiska oo wax u dhimay lacagaha Somalidu dirto

Khalkhalka siyaasadeed ee ka jira Ingiriiska oo wax u dhimay lacagaha Somalidu dirto eheladooda jooga dalkooda hooyo. Ingiriiska ayaa muddo ku dhow laba sanno kahor u codeeyay inay ka baxaan midowga Yurub oo ay la wadaageen waxyaabo badan.


Inkastoo Yurubtu ku nooshahay dhaqaalaha wax iibsiga ee dadka Ingiriiska sida gawaadhida, cuntada, iyo tiknoojiyada kale hadana Ingiriiska aya isna Yurub u dhoofiya alaabo aan sidaa u badneyn, ayagoo weliba bixiya lacagta ugu badan ee lagu kabo Yurubta gaajada ah.


Yurub oo aan rabin in Ingirisku ka baxo ayaa ku adkeeyay ka bixitaanka siiba inay u furan suuqa xorta ee Yurub oo ah kan labaad ama kan koowaad ee ugu weyn aduunka, taasina waxay keentay khalkhal siyaasadeed Ingiriiska dhexxiisa.

Khalkhalkaa siyaasadeed ee ka jira Ingiriiska ayuu wuxuu waxyeelo u gaystey lacagta Ingiriiska oo dhulka gashay maadaama shirkadaha maalgeshigu ogeyn halka siyaasad ahaan Ingiriisku taagnaan doono ka bixida Yurub.


Waxana arintaas sii khalkhaliyay kadib markii haweenayda Ingiriiska xukunta laga dalbadey inay kalsooni ka raadsato xisbigeeda.

Kalsooni raadsigaa haday weydo iyo haday heshaba aan keeni doonin xasiloonida ay u baahan tahay lacagta Ingiriisku, ilaa laga gaaro hesihiis dhaba oo golaha Ingiriisku ogolaado.ay dhulka sii gelin doonto lacagta Ingiriiska oo u baahan deganaansho siyaasadeed.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.