X

Wax miyaa inooga kordhey khariidada Itoobiya raali gelinta ka bixisay

Dawlada Somaliya ayaa sheegtay inay aqbashay cudur-daar dawlada Itoobiya ee Cabi Axmed ka bixisay khariidad la soo geliyay mareegta wasaarada arimaha dibedda ee Itoobiya oo gebi ahaanba Somaliya ku darsatey dalkeeda.


Waxa su’aalaha badani ka yimaadeen sida Khariidadu ku gashay bog ay leedahay dawladu iyo goorta la sameeyay.

Waxaan shaki ku jirin in Itoobiya weligeedba ku doodi jirtey in wax Somaliya la yiraa ayna jirin ee qabiilka Somaligu ka mid yahay qowmiyadaha Itoobiya ilaa Ingiriisku badh aad u weyn faraha ka geliyay kontonaadkii.


Kuna yiri dhul kaama reebin intaa hadhayna waa dhagxaan iyo lama degaan ayna waxba ku jirin. Dabcan waxay gaalka weyn ka ahayd Somali kala qaybin ilaa haddana uu faraha kula jiro inkastoo si dadban u wado asagoo isticmaala Carab sida Wahaabiyada Imaaraadka.

Markaa warka khariidada waxba inoogama kordhin si markaad u eegtana inagaa halkaa is dhigney, waana khariidad run u eg.

Itoobiya ayaa sheegtay in ay ka xun yihiin khariidadaas bugta ah haddana ay bilaabeen inay soo helaan sida ay markii horeba ku gashay mareegta iyo cida samaysay.


“Waxaan rajo ka qabnaa in Itoobiya xogta khariidadaa la wadaagto Somaliya waa haddii ay daacad ka tahay inay abuurto jawi is-faham ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho.


Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Cawad oo saxaafada war siiyay ayaa isna sheegnay inay iska markiiba la hadleen dawlada Itoobiya codsadeena sida khariidadaas ku timi kadibna markiiba laga tuurey bogaas.


Tan ugu muhiimsan ayaa ah in Somaliya iyo dadkeedu isku mashquulin khariidad ee ay xooga saaraan sidii cadowga gudaha ee argagixisada ufa takhalusi lahayd loona heli lahaa dal mideysan oo awoodleh, oo ah ta lagala dagaalamayo Somali ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahinWarmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.