X

Waxa hadda caadi noqotey jaad la gubey ma guulbaa mise waa guuldaro

Sidii cudurka Kooro adduunka uga dilaacay anigu waxaan maqlaa dadka hakala fogaado, guryaha hala fadhiyo, gaalada oo la baro sida gacmaha loo dhaqdo iyo socdaalka oo la yareeyo. Waxa taasi raacda siiba wadamada dheregsan in lacagtooda loo qoro meheradaha lagu qasbey inay xirnaadaan.



Intaas oo dhan weli ma maqal dal adduunka ka mida inay diideen qaar ka mida amarada dalalka kale soo rogeen mooyee, inay joojiyaan dadku waxay ku noolyihiin. Runtii waxay ka cararaan inay xaalada sii xumeeyaan.

Cagsiga Somaliya

Somaliya oo ah dal taxadka jooga saboolnimo awgeed waxa faan noqdey iyo halhays in la gubo wixii dadku ku noolaayeen.

Waxaan ognahay culimada Somalida ee ku xiran Carabta in jeebkoodu qoyan yahay, waxa ugu horeeya ee ay diidaana ay tahay jaadka laakiin arki maysid ayagoo ka hadlaya masiibada ka weyn ee dhalinta isqarxisa iyo dulmiyada ka jira maamul jufeedyada.



Maadaama dalku aanu lahayn awood dawladeed oo isku xiran ugu yaraan Muqdisho ilaa Saylac, waxa lagu tuntey dadkii masaakiinta ahaa ee ku noolaa jaadka.

Su’aasha ah in geedka jaadku xaaraan yahay waan jeclaan lahaa hal xadiis oo ka dhigaya laakiin waxaan shaki ku jirin in culimada Somalida ee Carabta ku xiran ay daliilo jeebkooda kala soo baxaan oo inta badan la xiriira dadka cuna iyo sidey u cunaan iyo qayro masuulnimada ragga qaar. Marka shaqsi iyo geedka jaadka isku mid maaha.


Aaway xaqaygii

Waa su’aasha ugu weyn ee mudan in laga jawaabo. Aad mamnuucdide aaway xaqii haweenka ku korsanayay agoonta. Waana la weydiinayaa aakhiro jawaabna uma hayan maamul jufeedyada kuwa maamulaan ay dheregsan yihiin waayo cidi ma xisaabiso.

Waxaan hore u sheegay in Somaliya u dhimanayso hogaan xumo, taasina waxa dhib weyn ku qaba dadka ay ka dhigeen faqriga, ayadoo aan ognahay in aan ku noolnahay dal ILAAHAY nimco dhigey.


Jawaabta cinwaanka ayaa ah waa guuldaro weyn waayo waxa meelkasta jiifa caruur aan quraacan oo aan qaayn hadda adigu dheregsan tahay.


Dooda halka dhinaca ee ah waxa ku faafa cudurka waxa jawaabteedu yahay haddii cudurku ku faafayo taabashada oo ah sida hadda ururka caafimaadka aduunku leeyahay, jaadku muxuu kaga duwan yahay khudaarta kale ee suuqa taala ee boqol jeer la taabto inta aan la iibsan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.