Somaliya waxay kow ka ahayd wadankii u horeeyay ee Muslim ah ee gaalo isugu tagto markii xoog looga soo saaray Itoobiya sanadii 1977 markii ay qabsatey dalkaasi. Waxayna kow ka ahayd dalkii ugu horeeyay ee Muslim ah ee dunidan casriga ah dal ahaan u burbura.
Waxa kadib ku xigey Afqaanistaan kadibna Ciraaq ilaa hadda oo aan aragney Liibiya. Inkastoo dawladii Somaliya dalka uga tagtey maleeshiyo indha la ayadoo awoodey inay cagta mariso, waxa burburka xoogiisa lahaa reer galbeedka oo Ingirisku ugu horeeyo.
Afqaanistaan ayaa xaalad inoo dhow soo martey markii dawladii midowga Soofiyeeti dalka ka baxday, waxa markiiba burburey awoodii dawladii dhexe ilaa ay iyaduna meesha ka baxday.
Ma jirin xukun ka dambeeyay taasi sanadii 1989 ee waxa dalka ku galgashay koox isku sheegi jirey mujaahidiin oo ay Sacuudiga iyo Carabta kale maalgelin jireen.
Labaatan sano kadib waxa Afqaanistan dib loogu celiyay isla argagixiso inay dalka badankiisa la wareegto, waana ta kooxda Xalane la damacsan tahay in Somaliya ay ku dhacdo.
”Waxay dagaal kula jiraan in ciidan qaran dhismo kadibna la hubeeyo ayuu yiri Cali Calasow. Waxay maalin kasta noo sheegaan haddii ciidanka Afrikaanka baxo waxa Koofurta qabsanaya argagixisada Shabaab waayo ciidankeenu ma hubeysna hubka ay haystaana waxba ma dhaamo kan argagixisada.
Haddaba si casharka ka socda Afqaanistaan oo Maraykanku la baxayo ciidankiisa uu dalkana ku wareejinayo argagixisada Taalibaan uga dhicin Somaliya, waxa la gudboon dawlada Somaliya inay toos ula xidhato Turkiga si loo hubeeyo ciidanka xooga.
Waxay isku dayi doonaan kooxda sheegata beesha caalamka inay sii adkeeyaan cunaqabataynta hubka si ciidan dhismaa u dhicin, taasna waxa looga fadhiyaa dawlada Somaliya inay isha ku hayso.
Taasina ma dhici karto haddii dalku u gacan galo doorashada soo socota isla madaxda hadda joogta, waxayse dhici doontaa haddii la doorto horgale ka mida kuwa la ogyahay ee hore u soo fashilmey ayuu qabaa Cali Calasow.
Afqaanistaan waxa 20 sano la dhisaayay ciidan qaawan sida kuwa Somaliya oo kale oo aan loo ogoleyn in la siiyo hub iyo mishahar ku filan natiijadiina waxay noqotey inay cararaan marka Taalibaan jibeysan soo weeraraan.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay