X

Wax ma ka soo socdaan kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo maamul jufeedyada: SAWIRO

Waxa magaalada Dhuusamareeb ka socda kulamo ay yeelanayaan maamul jufeedyada iyo madaxweyne Farmaajo. Kulankan aan loo dhanayn ayaan laga filayn inay wax natiijo ah ka soo baxaan.


Siyaasiyiinta ku xeel dheer Somalida ayaa qaba in shirkan lagu raaligelinayo kooxda beesha caalamka oo iyagu dalbadey shir noocana lagana dul boodo barlamaanka qaranka.

Kulanka hore oo wada sheekaysi ahaa ayaan looga hadal wax muhiima lamana filayo kuwa ku xiga in wax weyn looga hadli doono ayuu yiri Cali Calow.


Xildhibaanada barlamaanka ayaa isku raacsan in go’aanka ugu dambeeya uu iska leeyahay golaha shacabka oo aan dhinacna loo dhaafayn, ayna dhamaatey xilligii masiirka dalka ay jufooyin gaara ka gaadhi lahaayeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.