X

Barlamaanka Masar oo ka nixiyay Dayib Erduqaan

Barlamaanka dalkaasi Masar ayaa u codeeyay in dalku Liibiya u diro ciidamo kuwaas oo ka hortago farogelinta Turkiga iyo kooxdiisa akhwaan Muslimiin. Masar ayaa hore u sheegtay in ay soo geli doonto Liibiya haddii ciidanka Turkigu ku soo dhawaado Sirte iyo saldhiga Jufra.


Waxa shalay warbaahinta Turkigu sheegeen in ciidamo taabacsani hore u soo dhaqaaqeen kuna soo jeedaan Sirte iyo Jufra. Tirada ciidanka akhwaanka ayaan badneyn waxase cirka ka taageeraya Turkiga.


Dayib Erduqaan ayaa Liibiya u tagay si uu qayb uga helo kheyraadka dalkaasi isla markaana ka dhigto dal isaga hoostaga. Dagaalka ayaa ku salaysan mid urur diimeeda.

Haddii Masar ciidamo u dirto waxa niyadjab iyo naxdin ku ah Dayib Erduqaan, waxana dhici doonta in Erduqaan laga eryado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.