X

Waxa naga go’an inuu jiro isla xisaabtan hawlaha lagu heshiiyay: SAWIRO

Waxa naga go’an inuu jiro isla xisaabtan hawlaha lagu heshiiyay. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 30 dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka.



“Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin.”



Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan dareensannahay in saaxiibadeenna caalamka aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Soomaaliya maalgashadaan. Balse si taas lamid ah waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno.”



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.