Waxaan idiin sheegayaa wax kasta oo dhinac ka rarani inaanu shaqayn waa hadalkii Sheekh Aadan Siiro. Sheekhan reer Hargeysa ayaa hadalkan ula jeeda doorashada lagu shubtey.
Sheekhu wuxuu sheegay in muranka Siyaasadeed ee ka taagan Doorashada ay sababteedu tahay Awooddii Madaxweynaha oo aan sidii la rabay u shaqaynayn “Komiishanka Maanta joogaa waa kii ugu ayaanka darnaa, Sababtu waxa weeyaan Awooddii Madaxweynahaa innaga maqan, waad ogaydeen tii Rayaale (Doorashadii 2010), Xisbigiisu wuu diiday, dabadeedna Madaxweynahaa is-taagay oo yidhi ‘Waa la innaga helay oo waynu aqbalaynaa’.
Laakiin Imika Dad kale ayaa talinaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Arrintaa Komiishanka waanu kala hadalnay oo waxaanu ku nidhi ‘Dawlad adag oo Madaxweynuhu talinayo, oo uu Deg-deg u soo dhex galayo (Muranka) oo uu Go’aanka ugu adag qaadanayaa ma jiro, idinkaa Komiishankii ah oo Madaxweynihii ah, ee Tallaabada aad qaadaysaan aad u eega oo ka fiirsada, yaanay saamayn idinku yeelanin Dad dano badan lihi.”
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS