X

Waxaan idiinku bishaaraynaa in ciidanka baddu u dhismay sida kan dhulka: Taliyaha badda

Waxaan idiinku bishaaraynaa in ciidanka difaaca badda iyo kheyraadkeeda uu u dhismay sida kan badda guushaasna ay gaartey dawlada haddda jirta ayuu yiri taliyaha ciidanka badda oo ka hadlay munaasabadda sanadguurada dhismaha ciidanka.


”Waxa ciidanku xarumo waaweyn ku lahaa afar magaalo xeebeed oo kala ah Berbera, Boosaaso, Xamar iyo Kismaayo oo dhamaantood leh dekedo waxaanan diyaarinay ciidan ka hawlgala ayuu yiri.

Waxa kuu muuqata in kooxda sheegata beesha caalamka ay diidan tahay in horumarkaas uu sii socdo booska dawladana ay ku bedesho caade qaate dalka dib u celiya 20 sano, ayagana u sujuuda.


Taliyaha ayaa sheegay in taako ka mida dhulka Somaliya aan la qaadan karin oo aan ciidanka xooga dalka ee difaaca baddu aan ogolaan doonin ayuu yiri taliyaha.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.