Waxaan daraad daawanay xildhibaanada Hargeysa u jooga reer Awdal oo qaylo dhaan u diraya Siilaanyo iyagoo u muuqdey in aan hore loo dhegeysan hadana fariin taas la mida u direy Siilaanyo ama cida hadda goysa go’aanka maamulka Somaliland iyadoo aan shaki ku jirin in Siilaanyo go’aan aanu ka soo bixin. Waxay ahayd sanadkii hore markii odayaasha inta badan ku ladhan maamulka ay qaarkood sheegeen in Awdal 13 kursi ku galayn doorasho.
Sida dadka indha indheeya siyaasiyiinta reer Awdal oo iyagu hore uga niyad jabey waxqabad la’aantooda xilli dadkoodii haraad ugu dhimanayaan gobolka ay sheegayaan sheekada hadda ay ku dhawaaqeen xildhibaanada Hargeysa u fadhiya gobolka ay tahay mid hore loo diidey oo jaabka lagu shubtey sidii Saami qaybsiga oo hadda aan cidi ka hadal.
Siyaasiyiintan ayaa lagu eedeeyaa in midiba midka kale iska ilaaliyo iyagoo ka baqaya in uu waayo kursigiisa taas oo ka dhigeysa in ay waxba qabsan kari waayaan.
Sheekadii SAAMIGA ayaa suuqa ka baxdey iyadoo salaadiintii qaar ay sheegeen in wasaarado heleen halka siyaasiyiinta beesha dhexe hore u sheegeen in nin Isaaqa kursigiisa uga kacayn nin Samaroona ee ay waxkale la yimaadaan iyagoo waliba raaciyay in aan gobolka waxba ka maqneyn waxna u soo socon..taas oo aan loo jawaabin.
Arin kale oo baryahan saxaafada ku jirtey ayaa ah in magaca ”Somaliland” haddii la wada leeyahay dib loo xalaaleeyo haddii kale lagu kala tago taas oo u baahan in si cad loo cadeeyo…hadaladaas ayaa ka soo baxay siyaasiyiin dhinac ahaan fikirkooda u xora laakiin ayna la qabin salaadiinta qaar oo iyaga loo sheegay in ay isaga baxaan siyaasada.
Waxaan qormadan yar ku soo gabagabaynayaa in aan la yaabey cida lala hadlayo sow maaha kuwii hore u diidey in Saamigii wax ka qabtaan ee kala jabiyay odayadii fikir ahaana aaminsan in reer Awdal wax ka maqan ayna jirin. Haddii ay rabaan in ay cadkooda goostaan dadka reer Awdal haka soo baxaan mugdiga ay ku jiraan oo go’aankoodu ha cadaado.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay