November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Weerar argagixiso oo ka dhacay Maraykanka oo dhimashadu marayso 50 qof: SAWIRO

Weerar argagixiso ayaa ka dhacay Maraykanka halkaas oo dhimashadu marayso 20 qof.

Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 20 ruux in ay ku dhinteen 110 kalana dhaawac uu soo gaaray toogasho ka dhacday magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.



Toogashadda ayaa ka dhacday meel bandhig faneed uu ka socday, waxaana la sheegay qof hubaysan in uu  rasaas ku furay hoteelka Mandalay Bay oo Bandhigo uu ka socday.



Bandhiga ayaa waxaaa kusugnaa dad aad u badan , waxaana la sheegay in qaar badan ay baxsadeen.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii looga shakisnaa weerarkaasi la dilay islamarkaana ay wali waddaan baaritaano.

Dadka dhaawacmay ayaa 14 qof, waxa ay ku jiraan xaalad adag sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Isbitaalka Magaaladaasi.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS