Baydhabo–Diyaaradaha dagaalka ee iswada ee Maraykanka ayaa la rumaysan yahay in ay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan kuwa banaystay dhiiga muslimiinta ee shabaab laguna magacaabo Aadan Garaar xilli uu ku sii jeeday degmada Baardheere oo argagixisadu wali gacanta ku hayso.
Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Xasan Muxamed Cali (Xasan Yare), ayaa sheegay in duqeymaha lagu dilay Sarkaalkaasi laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Gobolada Gedo iyo Baay.
Gudoomiyaha waxa uu Aadan Garaar uu ku sheegay xubin fir fircooneyd oo ka tirsan Amniyaadka Ururka Al Shabaab. Waxa kaloo uu sheegay in goobihii la duqeeyay ay gaareen xoogag badan oo Shabaabka ka tirsan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay