23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xasuuqii LIIDO oo Murugo lama iloobaan ah reebay iyo sawir aduunku ka naxay

Xasuuqii habeen kahor lagu qaaday maqaaxi ku taal Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho laguna dilay in ka badan 30-qof oo shacab ah, ayaa noqday mid damqiyay quluubta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan inta nabada jecel.

Waxa uu ahaa xasuuq aad u naxdtin badnaa oo lagu laayay dad badan oo bulshada Muhiim u ahaa sida Dhalinyaro u badnaa aqoonyahano jaamacado ka baxay iyo kuwa kale oo dhiganayay, Haween iyo Caruur ay dhaleen iyo dad kale oo bulshada qiimo badan ugu fadhiyay.

Meel kasto oo Soomaali joogto ayaa wali si weyn looga hadal hayaa xasuuqii dhiigmiiratada shabaab e diinteena ku qaraabta. Xasuuqan ayaa lagu qaaday maqaaxiyo ay dad shacab ah ku qaxweenayeen, waxaana dadku badi ay ahaayeen kuwa si weyn uga argagax weerarkaasi aanan ka go’eyn quluubta dadka Soomaaliyeed.

Baraha Bulshada kuwada xariirto gaar ahaan Facebooka aaya habeen hore ilaa xiligan noqday mid hadal heynta ugu badan ama sawirada lasoo dhigayo ay yihiin saameynta weerarkii xasuuqii argagixisdada Shabaab ku qaadeen Xeebta Liido.

Lido-1[1]

Relatives carry the body of their kin killed in an attack at beach-front restaurant Beach View Cafe on Lido beach, in Somalia's capital Mogadishu, January 22, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Somalia Violence
Labadan sawir oo noqdey kan aadka uga nixiyay Somali oo dhan

rw

Lido-1[1] Lido-2[1]

Relatives carry the body of their kin killed in an attack at beach-front restaurant Beach View Cafe on Lido beach, in Somalia's capital Mogadishu, January 22, 2016. REUTERS/Feisal Omar
Sawirkan hoose oo noqdey kan Somali badanniyo caalamka kagacgariiriyay halka argagixisada uu u yahay kan ay ugu jecelyihiin

muru1[1]