Nasro Daahir Abuukar waxay ka mid aheyd dadkii kusugnaa meesha weerarka xilliga uu dhacayey. Waxay sheegtay inay wada fadhiyeen Maqaaxida wiil yar oo iyada la dhashay oo lagu magacaabo Eyman.
“Indhaheena waxey kusii jeedeen dhinaca Xeebta Liido inaguna Shaah ayaan cabeeneynay,Waxaan ku faraxsaneyn Jabaqda iyo Neecawda soo baxeysa ee dhinaca Badda ka imaaneysay,sidaa waxa tiri Nasro Abuukar”.
Nasro waxay sheegtay mar keliya inay ka war heleen Jawi badelan,Rasaas dhaceysa iyo Toogasho gudaha Baarkii aan fadhinay,waa la kala cararay,rasaasta oo socota.
Waxa jawigaasi uu keenay in labadii isla socotay xitaa ay kala lumaan,Walaalkeygii Yaraa Eyman waan waayey,Xaaladu waxay noqotay mid cakiran,sidaas ayey Nasro usheegtay BBC-da Qeybteeda Dibada la hadasha.
Waxaan galay Musqusha mise dad badan ayaaba ku jira,Meesha Lagu qubeysto ee Tubada Shabaqa kore leh ee biyaha kasoo daataan ayaa la hoos istaagay,qaarkeen dadku waxay aqrinayeen qur’aan kuwo kalena waxay tukadeen iyagoo musqusha ku jira si alle Cadawga meesha yimid uga bad baadiyo.
Wax yar kadib oo xaaladu sidii ka fiicnaatay waxa inoo suurta gashay inan banaanka imaado waxase la ii soo sheegay Eyman inuu dhintay,wan naxay oo walaalkey inuu iga yaraa maahane waxa uu ahaa Yaraanka Hooyo ay aad u jeclayd mana garabnkaro sida ay u qaadan geeridiisa.
Sheekadan oo aad u dheer runtiina qiiro leh waxa Nasro soo badbaadiyay geesiyaasha NISA oo ka sii jiidey goob naxdin leh ee ay ku jirtey ee Musqusha.
Waxaan arkey ciidanka NISA oo i leh soo bax dhinaceyga kaalay waanse iskala garan waayay ma baxdaa ma joogtaa wuuse I soo jiidey ugu dambeyn waxaanan ogaadey in aanan dhaawacneyn.
Nasro ayaa tiri waxaan maqlayaa oohinta caruurta, iyo hooyooyinka, waxayna taasi keentay in argagixisadu rasaasta sii furaan.
SAwirka hoose waa dadkii oo diidey in argagixisadu noloshooda maamusho kuna noqdey xeebta
Sawiro kasle oo laga soo qaaday xeebta.
Sawirkan hoose uxuu ahaa gawaadhidii ay argagixisadu qarxiyay
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![_88117738_88117737[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/88117738_881177371.jpg)
![_88117740_88117739[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/88117740_881177391.jpg)
![_88128085_beachafp[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/88128085_beachafp1.jpg)
![_88128089_88128088[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/88128089_881280881.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay